Madaxweyne Shariif oo ka hadlay xayiiradda Garoonka Muqdisho ee Xildhibaan Sareed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta war Saxaafadeed soo saaray waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay sida hadalka uu dhigay in waxyaabaha dalka ka socda aanan waxba laga baran wixii shalay dalka ka dhacay dalka, iyada oo sidii lagu sii wado.

Shariif Sheekh oo cambaareeyey masuul lagu xannibay garoonka Muqdisho ayaa sheegay in huggaanka dalka sida hadalka uu u dhigay ay wixii dalka ay ka dhacyey aysan waxba ka baran.

“Waxaan cambaareynayaa dhacdada saakay safarkeeda looga hor istaagay Xildhibaan Sareeda Maxamed Cabdalla oo ka tiran Golaha Shacabka ee BJFS. Waxaan ugu baaqayaa madada dowladda Federaalka in ay ka waantoobaan ku sii socoshada ku xadgudubka Dastuurka dalka, isla markaana ay raalli gelin buuxda ka bixiyaan falkii saakay lagula kacay xildhibaan Sareeda, loona faxaso safarkeeda si shuruud la aan ah” ayuu yiri Madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa 6 sano ka dib markii Bishii November 2019 sidaan oo kale garoonka Muqdisho lagu xayiray wafdi uu hoggaaminaye Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka maanta Xidlhibaan Sareedo sheegtay in lagu xayiray iyada oo u socotay Baydhabo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed