Madaxweyne Cirro oo balan qaaday in qaab diblomaasiyadeed ku raadin doono colaadaha Sool Sanaag iyo Togdheer

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa la wareegay hoggaaminta ka dib markii loo dhaariyay xilka madaxweynenimada ee shanta sano ee soo socota.

Cirro oo ka dib dhaarta jeediyey Qudbadiisa ayaa ballan qaaday in uu dhisi doono xukuumad caddaalad ah.

“Maanta waxa aynu furaynaa bog cusub oo inaga oo wadajirna aynu ku dhisayno Somaliland midaysan oo dimuquraadi ah. Waxaa sees u noqon doona maamul wanaag, caddaalad, talo wadaag iyo ku dhaqanka sharciga, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa,” ayuu yiri Cirro.

Waxa uu intaa ku daray in uu ka shaqayn doono sidii Somaliland ay u noqon lahayd sida uu hadalka u dhigay dowlad ka mid ah dowladaha caalamka, arrintaas oo uu ku tilmaamay xuquuq dabiici ah oo ay Somaliland leedahay.

Sidoo kale, waxa uu ku dhawaaqay in uu xal diblomaasiyadeed oo nabadeed u raadin doono colaadaha ka taagan gobollada Sool, Sanaag, iyo qeybo ka mid ah Togdheer, si si nabad ah loogu xalliyo kala duwanaanshaha fikirka. Waxa uu sheegay in uu dhisi doono ciidan milateri oo awood u leh sugidda xuduudaha Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynaha xilka ka degay Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna dhankiisa sheegay in Somaliland ay muujisay bisayl dimuqraadiyadeed iyo qaangaarnimo, taasi oo suuragelisay in taladu baaqi ku ahaato gacmaha shacabka.

“Somaliland waxay muujisay in ay tahay dal dimuqraadiyad ku dhaqmaya, talo wadaag leh, is ogol, oo danta qaranka ka horumarinaya danta reerka ama shakhsiga. Waxay caddeeyeen in shacabku talada hayaan, oo kolba qofka ay u dhiibaan talada loo dhiibayo,”ayuu yiri Biixi.

Sida oo kale Muuse Biixi ayaa xasuusiyey dadweynaha in doorashadii ugu horreysay ee Somaliland ka dhacday ay ahayd tii Balli-gubadle, halkaas oo ay ku tartameen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali, isaga oo markaas garsoor ka ahaa doorashada.

Waxa uu xusay in Maxamed Xaashi uu hambalyeeyay markii laga guulaystay, taasina ay tahay dhaqanka wanaagsan ee Somaliland ku caano maashay oo taabo galay ka dib doorashada.

Xil-wareejinta maanta ka dhacday Somaliland waxa ka soo qaybgalay madax ka socota dowladda Itoobiya, safiiro ka socda Ingiriiska iyo Maraykanka, iyo Wakiilka Taiwan. Madaxweynaha cusub ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono xidhiidhada arrimaha dibadda ee Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed