Madaxweyne Cirro oo amar culus siiyey Ciidamada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa amar buux u siiyey Ciidamadooda inay difaacaan sida uu hadalka u dhigay qaranka iyo shacabka.

Bayaanka ka soo baxay madaxweyne Cirro ayaa baaq nabadeed loogu diray oo shuruud la’aan ah dhammaan dhinacyada ku lugta leh shaqaaqooyinka ka taagan bariga gobolka Sanaag, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo barakac.

Sida oo kale waxaa uu sheegay inay tahay waajib dastuuri ah in laga difaaco sida warka uu u yiri “cadow kasta” oo isu soo baheysta Somaliland.

Ugu dambeyn madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay xisbiya mucaaradka ah ee 10-ka sano ee soo socda ayaa xukuumaddiisa u soo jeediyey talooyin ay ku jiraan sidii loo maarayn lahaa khilaafyada jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed