Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in amaandarada magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag looga danleeyahay in waa sida hadalka uu u yiriye lagu khalkhal galiyo doorashooyinka dhawaan la filayo in lagu qabto deegaanada Somaliland.
Waxa uu sheegay in amaan darada maalmahan ka jirtay gobolka Sanaag ay ka danbeeyaan dad uu ku tilmaamay inay doonayaan in la carqaladeeyo doorashooyinka Somaliland, isaga oo uu tilmaamay in ay u yihiin wadajirka Somaliland iyo hoggaaminta suuban.
“Maanta qulquladaha Ceerigaabo waxa lagu raadsanayaa saw maaha in doorashadeena la khalkhaliyo, kii la doortaaba saw Somaliland ma aha, saw mid walba lagama rabo in uu Somaliland horumariyo, taas ayaa la carqaladaynayaa, oo maanta loo dan leeyahay, inaguna maanta waxaynu u wada jeednaa waa doorasho” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa maanta dagan ka dib muddo laba cisho ah oo ay ka jireen xaalado ammaan daro, oo sababay dhimashada ilaa 7 qof, dadkaasi oo ku dhintay Ceerigaabo iyo degmada Goof ee koonfurta magaalada.
Waxa xalay magaalada ka dhaqan galay bandaw ay soo rogeen ciidamada ammaanka Somaliland oo bilowday shalay galinkii dambe, kaasi oo lagu xaddiday dhaqdhaqaaqa gawaarida shacabka wixii ka danbeeya 4-ta galabnimo ilaa 7-da ee subaxnimo.
Waxa jira warar aan wali la xaqiijin oo sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay go’aansadeen in ay heshiis rasmi ah ka gaaraan xiisadaan, oo uu wadahadal u socdo, kuwaa oo ay garwadeen ka yihiin waxgaradka gobolka.
HBN ONLINE TV