Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee kalfadhiga 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Khudbadiisa ayaa ka hadlay barnaamijyada xasilinta ee ka socda deegaanada la xoreeyay iyo mowqifka dowladda ee ku aadan kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku wargeliyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in la bilaabay barnaamijyo lagu xasilinayo deegaannadii dhowaan laga saaray Al shabaab.
Isagoo ka hadlayay dagaalada kala Al-Shabaab ayuu Madaxweynaha ku celiyay in dowladda aysan wax wada hadal ah la galeynin Al-Shabaab. Waxa uu si cad u sheegay in aysan jirin shuruudo iyo duruufo keeni kara in wadahadal lala galo Al-Shabaab xilligan. Taas bedelkeeda, dowladdu ay weli diiradda saarayso dadaallada ciidan ee lagula dagaalamayo kooxda, isla markaana xustay in imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan lagu qaaday deegaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray kooxda.
Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay waddaan howlgalladii Al shabaab, isla markaana uusan istaagi doonin dagaalka bilaawday ilaa ay ka gaaraan hadafkii ahaa in laga saaro kooxda dalka,lana wiiqiyo awoodo ciidan, dhaqaale & fikirba.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha colaadaha qabaa’ilka, isagoo ku booriyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay dhex dhexaadiyaan dhinacyada dagaallamaya, isla markaana ay tallaabo cad ka qaadaan cidda colaadda hurineysa. Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo oo la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa khilaafyada dhexdooda ah, kuwaasi oo khatar ku ah xasiloonida iyo amniga Qaranka.
HBN NEWS DESK