Madaxweynaha Soomaaliya oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, halkaas oo labada dhinac ay ku yeesheen kulan aanan horay loo shaacin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa barteed X ee horay loo oran jiray Twitter ku daabacday kulankan, waxa ay soo bandhigtay Sawirada kulankii Madaxweynaha iyo Wasiir Fidan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kaliya sheegtay in kulanka uu ka dhacay caasimadda Ankara, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin waxyaabihii looga hadlay.

Warka lagu daabacay mareegta rasmiga ah ee Wakaaladda Anadolu, ayaanan sheegin ujeedka kulanka , mana jirto sidoo kale wax war ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo ku aaddan safarka Xasan Sheekh ee dalka Turkiga.

Turkiga ayaa saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, labada dal ayaa dhawaan kala saxiixday hishiis difaac oo taariikhi ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed