Madaxweynaha Somaliland oo war ka soo saaray go’aankii guddiga dhexdheexaadinta ee maaulkaas

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay horay u soo saraeen guddigii dhexdhexaadinta ee ka shaqeeynayay arrimaha khilaafka siyaasadeed ee maamulkaas ka taagnaa muddooyinkii dambe.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka” ayaa lagu yiir qoraal ka soo baxay.

Biixi ayaa ku baaqay in Golaha Baarlamaanka ay is waafajiyaan xeerarka doorashooyinka iyo soo jeedinta Odayaasha dhaqanka Soomaaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka”.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa horay u soo dhaweeyay go’aankii guddigii loo xil-saarayin inay ka soo tala-bixiyaanka khilaafkii doorashooyinka ee sababay kacdoon Jabhadeed iyo diidmo xooggan oo ka timid dhanka mucaadradka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed