Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo ka mamnuucaysa madax-dhaqameedka inay ka garnaqaan kiisaska kufsiga, isagoo faray in kiisaska noocan ah loo maro nidaamka garsoorka oo keliya, isla markaana la joojiyo xeerarkii soo jeereenka ahay ee odayaasha dhaqanka ay ku xallin jireen arrimaha kufsiga.
Isla markiiba odayaasha dhaqanka ayaa laga mamnuucay inay soo farageliyaan kiisaska kufsiga, waxaana dhammaan eedaysanayaasha si toos ah loo horgeyn doonaa maxkamadda booliska. “Waxaan go’aansaday in fal-dambiyeeddkaa kufsiga ah loo daayo Maxkamadaha, si eedesanayaasha ku kaca fa-dambiyeedkaas loo mariyo ciqaabta sharciga ah ee ay mutaystaan, sidoo kalana la xaqiijiyo dhowridda xuquuqaha iyo xorriyaadka aas-aasiga ah ee Muwaadiniinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi.
Amarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay sugidda cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka, waxa uu farayaa Taliyaha Booliska iyo Xeer Ilaaliyaha Guud inay si adag u dhaqan geliyaan siyaasadda cusub. Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in kiisaska kufsiga lagu xaliyo nidaamka garsoorka, isagoo hoosta ka xariiqay in hababka dhaqanka iyo xeer jajabkamuuse meesha laga saaro.
Madax dhaqameedka Somaliland ayaa taariikh ahaan awood weyn ku lahaa xalinta iyo goa’aannada kiisaska kufsiga, taas oo inta badan ka dhalata natiijooyin lagu tilmaamay cadaalad darro ah. Wareegtada cusub ayaa lagu doonayaa in lagu saxo arrintan iyadoo kiisaska kufsiga loo wareejiayay nidaamka garsoorka ee rasmiga ah.
HBN NEWS DESK