Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka fiirsado go’aanka lagu soo saarayo meydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, arrintaas ayaa dhaliaysay hadal heyn ballaaran iyo dhaleeceyn xooggan maalmihii la soo dhaafay.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay baarlamaanka Puntland ayaa ku tilmaamay tallaabada ay dowladda Soomaaliya waddo mid laga maarmi karo, isla markaana hoosta ka xariiqay in aysan Soomaaliya ka jirin baahi dhuleed. Wuxuu ku nuux-nuux saday baahida loo qabo dareenka iyo ixtiraamka bulshada xilliyadan adag, iyada oo ay jiraan duruufo nololeed.
Deni ayaa su’aal ka keenay sida ay lagama maarmaan u tahay in qabuuro la soo saaro. Waxa uu dhaliilay qaabka ay dowladdu u iibgeyso hantida dowladda iyadoo lagu marmarsiyoonayo inay tahay baahi, sida uu sheegay, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay inaan la carqaladeyn qabuuraha.
Haddalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay baahida loo qabo in dib loo soo celiyo dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya, lagana dhisayo xarun cusub oo lagu tababari doono ciidamada badda, kadib heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca badda ah oo Turkiga la saxiixday Soomaaliya bishii February ee sanadkan.
Dhanka kale, Saciid Deni ayaa sheegay in uusan waxbo iska beddelin mowqifkii Puntland ay ka qaatay dowladda dhexe, ” markii la tuuray dastuurkii hishiiska lagu ahay” sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay diyaar u yihiin wadaxaajood iyo wadahadal ay la yeesheen dowladda Fadareelka ah si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasiga ah, kaasoo sal looga dhigayo ku dhaqanka sharciga, oo uu ugu horreyo dastuurka KMG ah.
Madaxweyne Deni ayaa ku dooday hadal ku sheegay in laga fogaado siyaadaha guracan, isla markaa koox dano gaar ah leh uu dalka u afduubnaado iyo dastuurka sida uu hadalkiisa ku sheegay.
Sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday arrimaha khilaafku uu ka tagaan yahay oo uu ku sheegay, Hirgalinta Nidaamka Fadaraaliga ah, Awood Qeybsiga, Maaliyadda, Qaab Dhismeedka Amniga Qaranka, Wadaagga Kheyraadka, iyo Hannaanka Caddaaladda, Deni ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in Ajenadahooda ay ku darsadaan xallinta arrimaha la isku khilaafsan yahay.
HBN NEWS DESK