Si loo xoojiyo xiriirka iyo wax ka qabashada tabashooyinka gobolka, madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Martiqaadkan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, kadib heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo xiisad ka abuuray Geeska Afrika.
Madaxweyne Maxamuud oo booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka Eritrea ayaa casuumaad ka helay Madaxweyne El-Sisi, isagoo caddeeyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageersan tahay Qaranimada Soomaaliya. Martiqaadka rasmiga ah ee Villa Somalia ay xaqiijisay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha ka jira gobolka.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Masar oo wakiil ka ah Madaxweyne El-Sisi ay booqasho ku tageen xarunta madaxtooyada Soomaaliya si ay u gaarsiiyaan martiqaadka Madaxweyne Maxamuud.
Wafdiga ayaa casuumaada kaliya ma fidin ee waxa ay sheegeen in ay taageersan yihiin midnimada Soomaaliya, wadajirka dhuleed, iyo madax banaanida Soomaaliya.
Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ayaa damacsan inuu dhiggiisa Soomaaliya kala hadlo xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika. Iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin xilliga rasmiga ah ee booqashada Madaxweyne Maxamuud uu ku tagayo Qaahira, ayaa haddana martiqaadkan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay wada hadal iyo iskaashi dhexmara Masar iyo Soomaaliya.
Dareenkan dublamaasiyadeed ayaa daba socda wadahadalkii khadka taleefoonka ee dhawaan dhexmaray Madaxweyne El-Sisi iyo Madaxweyne Maxamuud oo walaac ka muujiyay ficillada Itoobiya ee badda Soomaaliya. Muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan isticmaalka wabiga Niil ayaa ahaa arrin muddo soo jiitameysay, taasoo sii murjisay dhaqdhaqaaqyada gobolka.
HBN NEWS DESK