Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan xasaasi ah kula qaatay Balcad Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabduullaahi Xuseen Guudlaawe oo kulan xasaasi ah kula qaadanaya magaalada Balcad saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu kala hadlayo dagaal la doonayo in lagu qaado Kooxda Alshabaab ee deegaannada maamulkiisa.

Wafdi Madaxweynaha Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Balcad galinkii hore ee maanta ayaa la sida xogta lagu helay la sheegayaa inuu kala hadlayo saraakiisha Ciidamada dagaal ka dhan Alshabaab, kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii la iskugu furi waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka iyo Saraakiil kale.

Sida oo kale kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Alshabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga suganyihiin gobalka Shabeellada Dhexe, halka bayaanka lagu carrabaabay in culeyska laga dulqaadayo dadka ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeeellaha dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa saraakiisha ciidamda ku booriyey in sii wadida howlaha Deegaanka iyo Shacabka u hayaan.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed