Madaxweynaha Dowlad deegaanka oo sheegay in ay garab istaagi doonaan Itoobiya

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxammad oo maanta Jigjiga kaga qayb galay xuska sanad guurada 47-aad ee ee ka soo wareegtay aasaaska taliska ciidamada bariga Itoobiya ayaa sheegay in ciidanka difaaca qaranku uu yahay ciidan weyn oo dalka iyo dadkaba ku faani karaan.

Sida oo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidanku ay yihiin ciidamo hawlo caalami ah ka wada meelo ka baxsan dalka, kaasi si hufan ay u guteen hawshii loo igmaday, sida dagaalkii ay ciidamada deegaanka la galeen Alshabaab.
Madaxweyne Musfate ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka Dowlad deegaanku uu marwalba garab taagnaa doono ciiddanka milatariga Itoobiya, si buu yiri aan loo soo hawaysan xudduudkeena.

“Sidii shalay oo kale waxaan garab istaagi doonaa ciiddankeena ‘Itoobiy’, si aan loo soo hawaysan dhulkeenna xudduudkiisa. Waxaan ku faannaynaa ciiddankeena oo ah kuwo naftoodda ka hormariya dalka. Shacabka Deegankuna wuxuu mar walba garab u noqon doonaa ciiddanka milatariga.” ayuu yiri madaxweyne Mustafe.

Xukan maanta Jigjiga ka dhacay ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku si shareereyso xiisadda u dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya. Xiisadda Geeska ayaa ka bilaabatay heshiiskii is afgarad ee ay magaalada Addis Ababa ku wada gaareen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo rai’sul wsaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis iskaashi oo dhanka militariga ah la gashay Masar taasi oo xiisadda uga sii dartay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed