Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Idiris Maxamed Sheekh oo hadda ahaa horjoogaha lacagaha ay uga qaadi gobolkaasi kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay laamaha amniga dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Booliiska maamulka Galmudug ayaa ku qabtay Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud ,Idiris oo sida oo kale horay u soo noqday sida hadalka loo dhigay horjoogaha Alshabaab ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aanan kooxda laga saarin halkaasi.
Horjoogahaan ayaa dowladdu sheegtay in horay uga soo howlgalay goballada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha kooxda ee Axmed Diiriye, sida la tilmaamay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adaha Amniga a go’an tahay in ay sharciga horkeenaan sida lagu yiri bayaanka “xubnaha danbiilayasha” Alshabaab ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed
HBN ONLINE TV