Madaxda Puntland oo maanta ka codeeyey Garowe iyada oo wakhtigu gabagabo yahay

Ku dhawaad 10 saacadood ayay si nabad ah ku socdaan doorashooyinka golayaasha degaanka degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Sida guddiga doorashooyinka ay sheegeen in ka badan 64 kun oo qof ayaa ka codaynaya 80 goobood oo ku yaalla saddexdaas degmo, waxaana doorashada ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo farriin kooban u diray cod-bixiyaasha saddexda degmo ee weli safafka dhaadheer ku jira ayaa ugu baaqay in ay dulqaataan , qoraxda, dabaysha iyo harraadka si ay codkooda ugu muujiyaan xaqooda.
“Dadkaygow halkan in aad soo gaartaan wax sahlan mahan, sidaasi darteed u dulqaata , Qoraxda, Dabaysha iyo Haraadka waa hal maalin oo aad gudaneysaan xaqa aad u leedihiin in aad codeysaan, in aad wax doorataan lana idin dooran karo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sida oo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor oo isna maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isaga oo sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka.

Doorashada oo bilaabatay saaka 6:00am subaxnimo ayaa la qorshuhu yahay in goobaha cod-bixinta xirmi doonaan 6:00pm makhribnimo sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed