Laamaha amaanka ee maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen markab laga leeyahay Shiinaha oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen bucad-badeed Soomaali ah oo ku sugnaa xeebaha Puntland.
Laamaha amniga ayaa sheegay in ay ilaa haatan ogeyn goobta rasmiga ah ee uu markabbku ku suganyahay, balse waxaa markii ugu dambeeyy lagu sheegay badda u dhaxeysa Beyla iyo Eyl.
Markabkaas ayaa waxaa la sheegay inay saarnaayeen 18 shaqaale ah, kaasi oo ahaa mid kalluumeysi.
In muddo ah Puntland kama aysan dhicin weerrarada ay burcad badeedku u geeysanayaan Maraakiibta, lamana oga sababta ay hadda weeraradanu u soo laabten.
Waxaa jirtay in dadka deegaanku ay in muddo ah ka cabanayeen maraakiibta kalluumeysi ee shisheeye ee ku soo dhawaanaya xeebaha, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay halkaasi kheyraad kala duwan ay ka qaataan iyo jariif ay ku sameeyaaan dhagaatiyada shamaagaha badooda u daadsan.
HBN ONLINE TV