Maamulka Puntland oo shaaciyey natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare

Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa shaacisay natiijadda rasmiga ah ee imtixaananada shahaadiga ah Fasalka 12-aad (Dugsiga Sare), kaasi oo sanadkaan ay qaaday wasaaraddu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo ku dhawaaqay ardayda ugu saraysa Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa sheegay in sanadkan ay kaalinta koowaad ay u gashay Gabar.

Gabadha sanadkaan kaalinta koowaad gashay ayaa lagu magacaabaa Saynab Geelle Siciid, taasi oo keentay 98.28%, waxa ay ka baxday dugsiga Imaamu Nawaawi oo ku yaal magaalada Boosaso ee gobolka Bari.

Wadarta guud ee ardayda gashey imtixaankaan ayaa aheyd 7,562 waxa ay wasaarada sheegtay in ay ku gudbeyn imtixaankaan arday gaareyso 6,950 arday taas oo ka dhigan in 92% ay imtixaanka ku baaseen.

Maamulka Puntland ayaa si ka madax banaan Dowladd Soomaaliya u qaata imtixaanka deegaanadiisa, iyada oo dhowr ku sifeeyeen in wada shaqeyntii kala dhaxeysay hakiyeen dowladda dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed