Maamulka gedo oo ka warbixiyey dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Luuq

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, ka dib markii dagaal xooggan uu dhinacyada ku dhexmaray halkaasi.

Dagaalka saakay dib uga qarxay gudaha magaaladaas ayaa dhexmaray laba maleeshiyo oo dhawaan ku dagaalantay halkaas, waxaana la sheegay inuu ahaa dagaalka mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus sida aan ka soo xiganeyno dad goobjoogayaal ah.

khasaraaha lama oga ka dhashay dagaal beeleedka saakay dib uga qarxay gudaha magaalada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemaya gudaha magaaladaas.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in magaalada ay soo weerareen sida uu hadalka u dhigay ciidamo beeleed ay Hogaaminayeen Gudoomiyaha degmada Yurkud iyo Gudoomiye ku xigeenka degmada Luuq, kuwaa oo uu tilmaamay in laga saaray magaalada.

Waxaa uu sheegay in ay ahaayeen niman sida uu yiri “Burcad” ah oo soo weeraray magaalada, halka uu tilmaamay in talaabo ay ka qaadeen laamaha amniga gobolka gobolka, iyada oo uu socdo tiro koob lagu wado khasaaraha ka dhashay dagaalka magaalada.

“Waxaa saakay degmada Luuq soo weerarray Ciidamo Beeleed ay Hogaaminayaan Gudoomiyaha degmada Yurkud iyo Gudoomiye ku Xigeenka degmada Luuq Waana laga saaray Magaalada ” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuux.

Dagaalka saakay markale dib uga dhex maray labadaan maleeshiyo beeleed ayaa imaanaya, iyada oo shalay galinkii dambe Madal lagu heshiisinaayey odoyaasha labadaan beelood uu ka dhacday magaalada Ksismaayo, taasi oo uu soo xiray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed