Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ay la xisaabtamayaan shaqsiyaadka hurinaya colaada ka taagan deegaanada maamukaas. Maamulka ayaa daaha ka qaaday in uu qorsheynayo in shaqsiyaadkaasi maxkamad la soo taago isla markaana la marsiiyo sharciga.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, ayaa ku nuux-nuux saday inaan loo dulqaadan karin colaada u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada Galmudug. “Dadka ayaa hormuud ka ah colaadan, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Wasiir Gaboobe.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qaar ka mid ah askartii loo diray in ay dhex dhexaadiyaan maleeshiyo beeleedkii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka.
Sida laga soo xigtay ilo badan, dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Laandheer ee Galgaduud ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 qof iyo dhaawac tiro ka sii badan. Rabshadahan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo aan cidna deganayn, iyadoo maleeshiyaadka dagaalamay ay ka kala yimaadeen magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.
Iyadoo laga jawaabayo khilaafka sii xoogeysanaya ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay soo saartay warsaxaafadeed ay ku dalbatay in faragelin deg deg ah ay ku sameeyaan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug. Awaamiirtan ayaa ujeeddadeedu tahay in xaaladda la dejiyo lagana hortago dhiig kale oo daata.
HBN NEWS DESK