Maaamulka gobolka Sanaag oo war ka soo saaray xaaladda Amni ee Ceerigaabo oo bandow saaran yahay

Guddida Nabad-gelyada Somaliland ugu xilsaaran Gobolka Sanaag oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ayaa go’aamo kala duwan oo ay soo saaray shaqaaqo ka dhacday, iyada oo uu jiro bandow saaran.

Shirka guddiga Nabad-gelyada gobolka ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ah la soo qabto dadkii ka dambeeyey falkii maalin ka hor ka dhacay magaalada ceerigaabo, halka ay tilmaameen in axdi qarameed u degsan dadka deegaanka ay ku dhaqmi doonaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Somaliland Axmed Cabdi Muuse oo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay dagaalkii shalay magaalada ayaa sheegay in 24-saaac gudahood wax lagaga qaban doono dad uu carrabaabay in ay xirnaayeen shaar qaramed oo dhibaato ka geystay magaalada.

Sida oo kale guddoomiyaha aya sheegay in ay jiritaan dad ay dhibaato nabadda magaalada in ay jirta, waallow uusan shaacin, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in dhamaan wixii khasaaro ah ee ka dhashay dagaalka ay u saareen guddi ka kooban culimo oo xog ka keenta.

Masuuliyiinta kale ee guddiga Nabad-gelyada gobolka ayaa tilmaamay in bandowga saaran magaalada uu sidii u sii soco doono, iyaga oo wakhtiga kooban ee la siiyey kaga soo jawaabi doona wixii shalay ka dhacay magalada, halka wax kasta gacanta ciidamada laga xisaabtami doono.

Magaalada Ceerigaabo oo shalay dagaal ka dhacay gudaha suuq weyn ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan seddex ruux, halka tiro kale ku dhaawacmeen.

Dagaal ka dhacay magaalada Ceerigaabo bishii 8-aad ee sanadkan ayaa sababay in Somaliland bandow ku soo rogto 28-kii August, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 ruux.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed