Lucas Paqueta oo ka hadlay mustaqbalka West Ham United xilli lala xiriirinayo Manchester City

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda West Ham United Lucas Paqueta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay joogitaanka garoonka London Stadium xilli lala xiriirinayo Manchester City. Paqueta ayaa xagaagii hore qarka u fuulay inuu ku biiro Man City.

Man City ayaa markaas joojisay baacsigeeda waxayna u weecday inay Matheus Nunes ka hesho Wolverhampton Wanderers.

Inkastoo ay ku guuldareysteen inay la soo wareegaan Paqueta sanadkii hore, Man City ayaa weli xiiseyneysa ciyaaryahanka reer Brazil, waxaana ay doonayaan inay dib u cusbooneysiiyaan raacdahooda xagaaga, taasoo ku xiran natiijada baaritaanka xiriirka kubada cagta.

City ayaa raadineysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah, iyadoo hubanti la’aan ay ku hareereysan tahay mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva.

Paqueta ayaa haatan qandaraas kula jira West Ham ilaa xagaaga 2027, iyadoo dookh u ah inuu sannad kale ku kordhiyo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed