Maxkamad ku taalla maamulka Puntland ayaa dacwad ku soo oogtay lix qof oo u kala dhashay Marooko iyo mid Itoobiyaan ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tababar ay la lahaayeen kooxda Daacish ee ka dagaallanta buuraha Al-Miskaat.
Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadka la eedeeyay ay ku andacoonayaan in lagu marin habaabiyay ku biirista kooxda, haatana ay doonayaan in loo musaafuriyo dalalkooda. Qareenka difaacayay ayaa sheegay in kuwa Marooko ay isdhiibeen.
Magacyada Muwaadiniinta Marooko ee la hayo ayaa lagu kala magacaabaa Mohamed Hassan, Ahmed Najwi, Khalid Latha, Mohamed Binu Mohamed Ahmed, Ridwan Abdulkadir Osmany, iyo Ahmed Hussein Ibrahim.
Sidoo kale, labo nin oo Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen kooxda Daacish ee Soomaaliya, inkastoo ay iska fogeeyeen eedeymaha loo haysto. Maxkamadda ayaa la filayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka bishan ay go’aan ka gaarto kiiskan.
Saraakiisha ayaa sheegay in horumarkan uu qeyb ka yahay dadaallada maamulka Puntland uu ugu jiro la dagaalanka argagixisada iyo la tacaalida kooxaha xagjirka ah ee ku sugan gobolka, sida ay yiraahdeen
HBN NEWS DESK