Liverpool oo indha-indheeyayaal u dirtay inay daawadaan weeraryahanka lala xiriirinayo Arsenal

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarisay indha-indheeyayaal si ay isha ugu hayaan weeraryahan dhexe oo heer sare ah oo ka ciyaara horyaalka Primeira Liga kaas oo ay sidoo kale doonayso Arsenal.
Ciyaaryahanka kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres ayaa duufaano ku qaaday horyaalka Portugal tan iyo markii uu kaga soo biiray Coventry City xagaagii hore, isagoo ku fadhiya 38 gool tartamada oo dhan.

24 ka mid ah gooldhalinta Iswiidhishka ayaa yimid 29 kulan oo Primeira Liga ah, oo ay weheliso 10 caawin, iyadoo kooxda Ruben Amorim ay ku dhowdahay horyaalka.

Laga soo bilaabo 45 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan, Gyokeres waxa uu leeyahay 54 gool – 38 ka mid ah waxa uu caawiyey 16 caawin – waxana uu ku socdaa hanashada kabta dahabka ah ee Primeira Liga.

Ciyaaryahankii hore ee Coventry ayaa qalinka ugu duugay Sporting heshiis wakhti dheer ah ilaa 2028 markaas oo uu yimid xagaagii hore, laakiin waxa ay qasab ku tahay in uu lacag badan ku soo laabto England.

Si kastaba ha ahaatee, HITC ayaa sheeganeysa in Liverpool ay sidoo kale xiiseyneyso inay 25 jirkaan dib ugu soo celiso xeebaha Ingariiska, Reds  ayaana wakiilo ka soo qeyb galay si ay u daawadaan kulankii Vitoria de Guimaraes isbuucii hore.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed