Wararka ka imaanaya dalka Liibaya ayaa sheegaya in boqolaal gaadiidka dagaalka iyo kumanaan askar ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Liibiya ee loo yaqana LNA, ee uu hoggaamiyo Khalifa Xaftar ay wadaan dhaqdhaqaaqa u diyaargarow dagaal ka dhan ah ciidamada dawlada caalamka aqoosan yahay ee xarunteedu tahay magaalada Tripoli ee caasimada dalka dagaaladu aafeeyeen ee Waqooyiga Afrika.
Warka ka soo baxay ciidamada uu hoggaamiyyo Jeneral Khalifa Xaftar ayaa waxaa lagu yiri “Gaadiidka iyo ciidanka LNA ayaa u dhaqaaqday dhanka koonfur-galbeed si ay sugaan xuduudaha oo ay u xoojiyaan amniga qaranka”.
Magaalooyinka Misrata iyo Zawiya oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Dawlada midnimada qaran ayaa waxaa ka socda abaabul ciidan oo xooggan oo la doonayo in looga horago Jeneral Haftar.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya ee magaciisa loo soo gaabiyo UNSMIL ayaa sheegay Jimcihii in ay la socdaan “si walaac xambaarsan abaabulka ciidamada ee dhowaan laga sameeyay qaybo kala duwan oo Liibiya ah, gaar ahaan gobollada koonfurta iyo galbeedka.”
Bayaan uu soo saaray hawlgalka, ayaa lagu yiri: “Waxaan bogaadineynaa dadaallada socda ee lagu dejinayo xaaladda loogana hortagayo xiisad kale.”
Dhanka kale, madaxa golaha madaxtooyada Mohammed al-Menfi ayaa wadahadal kula yeeshay Tripoli qaar ka mid ah wakiilada ciidamada ammaanka ee gobolka galbeedka.
Xafiiskiisu wuxuu sheegay in saraakiisha ay muujiyeen “taageerada dhammaan talaabooyinka dheeriga ah ee uu doonayo in lagu gaaro xasiloonida gobolka galbeedka ku yaal”.
Taliska ciidamada Dawlada Midnimada Qaran, Hoggaanka Howlgallada Wadajirka ah iyo Hay’adda Qaranka ee Taageerada Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in ay sare u qaadeen diyaargarowga ciidamadooda iyaga oo ka hortagaya “khatar kasta”
HBN Online TV