Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Baaqday iyadoo Digniin loo diray Xildhibaannada

Waxaa maanta oo isniin ah koorom la’aan u baaqday kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay kalfadhiga soo xaadireen 130 mudane oo kaliya, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golahaas Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Shir-guddoonka ahaa.

Sababta keentay Kooram la’aanta in uu u baaqdo kulanka ayuu Guddoomiye Abshirow ku sheegay in Guddiga Maaliyadda oo ka kooban dhowr & toban Xildhibaan ay ku maqan yihiin tababar ka socda Caasimadda Kenya iyo in Xildhibaanno badan ay u safreen saakay Hir-Shabeelle.

Waxa uu digniin ka soo saaray in kulanka kan xiga oo Arbacada ah uu u baaqdo Kooram la’aan maadaama ay jiraan Xildhibaanno u safraya dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo sanad guuro dhiganeysa, si looga baaqda baaqasho kale waxa uu ka codsaday in ay saxiixaan liiska.

Waxaa kalfadhiga baarlamaanka in kooromkiisu buuxsamo ka dhimaneyd oo kaliya 9 Xildhibaan, taasi oo ka dhigan in kulanka si caadi ah ugu furmi karo 139 mudane, si howllaha horyaala iyo ajandayaasha Baaralamaanka uga doodaan.

“Ilaa hadda waxaa xaadir ah 130 Xildhibaan, 9 Xildhibaan oo ka maqan fadhiga si uu Kooramka u dhammaado, Xildhibaanno badan ayaa safar ku maqan, kuwo kale ayaa u safraya Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo Caawa Xaflad ka qaybgalaya” Ayuu yiri Cabdullaahi Cumar Abshirow.

10-kii bishii hore ee Luulyo ayaa waxaa sidan oo kale kooram la’aan u baaqday kulankii Baarlamaanka, ka dib markkii waxyaabaha kulanka baajiyey ayaa ah kooram la’aan, waxaana Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur uu rajo xumo ka muujiyay maqnaanshaha Xildhibaano badan oo aan wax qiil ah u keeneyn soo xaadiritaankooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed