Kulan muhiimah oo looga hadlay dhaqangelinta hishiiskii dooraashada oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

kulan muhiim ah oo looga hadlaayay dhaqangelinta heshiiskii ay horay u soo saareen Golaha Wadatashiga ee ku saabsanaa Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kaas oo diiradda lagu saaray ka mira-dhalinta hishiihskaas, oo la kulmay mucaarad xooggan oo siyaasiyiin ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa shir guddoomiyay Kulankaan, waxaa goobjoog  ka ahay farsamoyaqaanno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo howlwadeenno ka tirsan guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha, waxan xoogga  lagu saaray sidii loo heli qorshe shaqo oo dhameystiran oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka.

Fiqi ayaa howlwadeenna kala duwan matalayay xafiisyada kala duwan  ee dowladda uga waramay ahmiyadda  ay leedahay in ha helo qorshe dhameystiran iyo kaallin cad oo la xiriirta doorashada taas oo lagu shaqeynayo muddada soo socota.

Inta uu kulankan socday waxaa soojeedinno kala duwan soo bandhigay xafiisyada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax ka beddel u baahan, waxaa la iska soo qaaday arrimaha sharciga,  wacyigelinta, la falgalka saamileyda siyaasadeed iyo qeybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulshada.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa hirgalinta hishiiskaas siyaasadeed ee wax looga beddelayo hannaanka doorashada Soomaaliya, oo lagu wado in loo gudbo qof iyo cod, balse markii uu soo baxay hishiiskaan waxaa ka horyimid siyaasiin culus oo diiday, sidoo kale hishiikaas ayaa waxaa ku jiray qodobo dhaliyay dood adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed