Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la waayay ku dhawaaw 50 tahariibayaal ab kuwaas oo saaraan doon mareysay Jasiirad lagu magacaabo Lampeduse ee xeebaha dalka Talyaaniga
Dhacdadaan ayey sheegtay QM in aad uga walaacsan yihiin, hey’adda UNHCR ayaa shaacisay in hal cunug oo dhawaan dhashay uu ka mid yahay dadka la la’yahay, ilaa hadda dadkaas wax war ah lagama helin.
Dadkaan ayaa ka soo baxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.
Si kastaba, tahariibayaal u socda dalalka Yurub ayaa inta badan ku dhinta xeebaha Yurub kuwaas oo ka soo cararay dalalka Afrika iyo Aasiya.
HBN NEWS DESK