Ku dhawaad 50 Muhaajiriin ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yamen halka 140 kalena lagu la’yahay oo ay ku jiraan in ka badan 140 Soomaali ah

Ugu yaraan 49 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay 140 kalena waa la la’yahay kadib markii ay doon ku degtay xeebaha dalka Yemen. Dooni ay saarnaayeen 260 muhaajiriin ah ayaa ku dagtay shalay meel u dhow  gobolka Shabwah ee dalkaas. Dadka ku dhintay masiibadaas  waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.

Sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday doonida, ayaa abaaro 3:00 subaxnimo ee shalay ka soo ambabaxday magaalada Boosaaso ee maaamulka Puntland, waxaana la socday 115 qof oo Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah, iyadoo 90 haween ah ay ku jireen. Arrintan ayaa ka tarjumeysa kororka beryahan dambe ee muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee u socdaalaya Yemen, isla markaa doonaya in ay dalalka Khaliijka u sii gudbaan.

Hey’adda  Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa abaabushay laba kooxood oo caafimaad oo wareegta si ay gargaar degdeg ah u fidiyaan dadka badbaaday, oo ay ku jiraan lix carruur ah oo kamid ah 71-ka qof ee badbaaday, siddeed muhaajiriin ah ayaa u baahday daryeel caafimaad oo dheeri ah waxaana loo gudbiyay isbitaal halka 63 ka badbaaday ee soo haray ay heleen gargaar degdeg ah iyo daaweyn fudud, oo ay ku jiraan daryeelka dhaawaca.

Iyadoo ay jiraan dadaalladaas, ayaa haddana waxaa weli la la’yahay 140 qof, waxaana socda dadaallo lagu raadinayo goobo kale oo baaritaanno iyo samatabixin ah, iyadoo meydad badan ay weli xeebaha ku soo qulqulayaan meelo kala duwan.a

In kasta oo ay dalka Yemen colaado ka socdaan, haddana kumannaan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku sii gudbaaya dalka Yemen, iyagoo rajo ka qaba inay gaaraan Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka. Sannadkii 2023-kii, Hay’adda IOM ee Daba-galka Barakaca (DTM) waxay aragtay in ka badan 97,200 oo muhaajiriin ah oo yimid Yemen, taas oo dhaaftay tirooyinka sannadkii hore markii in ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen Yemen.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed