Kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo dhabar jab xoogan kala kulmay baacsiga ay ku doonayaan weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez

Labada kooxood ee Premier League ee Manchester United iyo Arsenal ayaa dib u dhac weyn kala kulmay baacsiga ay ku doonayaan weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.
26-sano jirkaan ayaa iska dhigay xiddig ka ciyaara San Siro iyo mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Yurub tan iyo markii uu Nerazzurri kaga soo biiray Racing Club sanadkii 2018.

Martinez ayaa dhaliyay 128 gool 278 kulan oo uu u saftay Inter tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 23 gool 26 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhawaan kor u qaadi doona Scudetto markii ugu horeysay isagoo ah kabtanka Inter ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan garoonka San Siro Isniintii si ay u xaqiijiyaan horyaalkoodii 20-aad ee Serie A. iyadoo shan kulan ay harsan yihiin.

Martinez ayaa sidoo kale Inter kula guuleystay horyaalka Seria A xilli ciyaareedkii 2020-21, halka uu sidoo kale kor u qaaday labo Coppa Italia, seddex Supercoppa Italianas, waxaana uu finalka Champions League la gaaray Inter xilli ciyaareedkii hore, oo ay guuldaro kala kulmeen Manchester City.

Mustaqbalka fog ee Martinez ee Inter ayaa su’aalo la iska waydiiyey bilihii la soo dhaafay iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay xiiseynayaan kooxaha Premier League oo ay ku jiraan Man United iyo Arsenal.

Red Devils ayaa la sheegay inay sahminayso suurtogalnimada ay Martinez ku soo jiidan karto Old Trafford xagaagan, waxaana la sheegay inay isha ku hayaan xaaladda qandaraaska weeraryahanka.

Arsenal ayaa sidoo kale la sheegay inay miisaamayso u dhaqaaqista suurtogalnimada ah ee ku guulaysta Koobka Adduunka 2022, kaas oo la aaminsan yahay inuu ka mid yahay tiro weeraryahano ah oo radar u ah Mikel Arteta.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed