Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka warbixiyey qabsoomidda doorashooyinka

Muuse Xasan Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in qabanqaabada doorashada ay marayso meel fiican, isla markaana ay rajaynayaan in ay qabtaan doorasho sida uu hadalka u dhigay xor ah oo xalaal ah.

Guddoomiyaha oo waraysi siiyay warbaahin ayaa sheegay in hawsha u diyaargarowga doorashadu ay sifiican ugu socoto, isaga oo sheegay in dad ka badan sida uu yiri “1 milyan cod bixiyayaal ahi” ay u dareeri doonaan doorashooyinka sannadkan.

Waxa uu sheegay in magaalooyinka waa wayn laga isticmaali doono qalabka suga haybta codeeyaha ee sawirka bu’da isha, taasi oo uu sheegay in ay ka caawin doonto in la yareeyo qaladaadka cod bixinta.

Xamaasada ollaha doorashooyinka Somaliland ayaa maraya meeshii ugu saraysay, iyada oo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo Ururka Kaah, ay ilaa hada soo bandhigeen cududu taageero oo laxaadle, halka sidookale xisbiyada iyo ururada kalena ay sameeyeen ollolayaashooda maalinta kowaad.

Intii olloluhu socday koomiishanka ayaa ganaaxyo kala duwan saaray xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah oo lagu eedeeyay xeer jabin, sidoo kale, waxa la ganaaxay qaar ka mid ah saraakiisha xisbiyada.

Doorashadan ayaa ah tii labaad ee isku sidkan ee ka qabsoonta Somaliland muddo 2 sanno ah, waxa ayna codbixiyayaashu kala dooranayaan 3 musharax oo u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo 10 urur oo u tartamaya xisbinimo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed