Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay hadda hayaan lacag dhan 7.5 milyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalihii loogu talo galay inay ku hawl galaan, waxaana ay ka codsadeen xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi in ay soo dadajiso lacagta hartay ee loo baahan yahay. Kaalmadan lacageed ayaa muhiim u ah u diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka soo socda ee loo qorsheeyay bisha Noofembar 13, 2024-ka.
Madaxa fulinta ee komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay agabka loogu talo galay in lagu galo codbixinta oo ay ka mid yihiin sanaadiiqda cod bixinta, kaararka iyo agabka kale ee muhiimka ah.
Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa hore u shaaciyay, in xarunta Guddiga ay ka socoto diyaargarow, iyada oo ay diyaarsan yihiin sanaadiiqda cod bixinta iyo goobaha loo qoondeeyay in ay codkooda ka dhiibtaan cod bixiyaashu. Intaa waxaa dheer sida la sheegsy, in agabkii ay isticmaali lahaayeen xubnaha gudiga hore oo la diyaariyey.
Dhanka kale, Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay wax is daba marin, iyaga oo ka digay in doorashada si cadaalad ah u dhacdo. Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ka jawaabaya eedaymahaas ayaa meesha ka saaray, isaga oo u soo jeediyay in cabashada mucaaridku tahay mid la doonayo in lagu wiiqo nidaamka doorashada.
Mid ka mid ah dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Codsiga dhaqaale ee dheeraadka ah uu muujinayo caqabadaha dhaqaale ee soo wajahaya gudiga doorasha ee Somaliland xilli ay isku diyaarinayaan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan ee jadwalka siyaasadda ee deegaankaas.
HBN ONLE TV