Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Soomaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta gudiga ayaa shacabka la wadaagay go’aanka ay wadajirka u soo wada saareen Komiishanka Doorashooyika iyo Gudiga guuud ee amniga doorashoyinka.
Go’aanka ka soo baxay komiishanka doorashooyinka ayaa faray shacabka sida hadalka loo dhigay in la hakiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka kala duwan oo ay adeegsadaan dadweynaha inta lagu guda jiro maalinta cod bixinta doorashada Somaliland oo ku beegan bari oo Arbaca ah.
Sida oo kale gudoomiyuhu waxa uu bulshada la wadaagay halka ay marayaan shaqooyinka diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada maalinta bari ah ka dhici doonta deegaanada Somaliland, in dhamaan dadkii ka shaqeyn lahaa howlaha cod bixinta iyo agabkiiba la diyaariyey, isaga oo xusay in amniga doorashada aad loo adkeeyey.
“Waxaan kaloon wargelineynaa go’aanka Komiishanka Doorashooyinka qaranka iyo Gudiga Guud ee amniga, go’aan kaasoo ah go’aanka hakinta dhaqdhaqaaqa gaadiidka maalinta cod bixinta ee November 13-keeda 2024” ayuu yiri gudoomiye Muuse.
Gudoomiye Muuse oo sii bidhaaminaya go’aanka ah hakinta isticmaalka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ayaa bulshada ku wargeliyay “in laga bilaabo 12-ka habeenimo ee caawa ilaa laga gaaro 12-ka habeenimo ee habeen dambe in aanu jiri karin wax dhaqdhaqaq gaadiid ah marka laga reebo gaadiidka heysta sumadda wadda marista ee Komiishanka Doorashooyinka”.
Ugu dambeyna Komiishanka Doorashooyinka Somalilamd waxa uu shacabka faray in ay u hogaansamaan go’aamada isla markaana ilaaliyaan amaanka iyo nabadgelyada mudada codbixinta, isaga oo Ciidamada faray hubinta iyo dhaqan gelinta go’aanka Komiishanka Doorashooyinka.
HBN ONLINE TV