Kofuur Galbeed “Weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada koofur Galbeed ee Baraawe ayaa ka dhigan iyada oo weerar lagu qaaday Madaxweyhana Koofur Galbeed”

Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidanka Daraawiisha Maamulkaas iyo kuwa Millatriga dowladda Soomaaliya, dhacdadaas waxaa ka dashay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Bayaan ka soo baxay Baydhaba ayaa lagu sheegay in Ciidanka Millatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed kuwaas oo ku sugnaa Madaxtooyada, maamulka Koofur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dhacdadaas waxayna sheegeen in Ciidanka weeararka qaaday ay yihiin maleeshiyaad sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kala waxay sheegeen in Ciidanka Milatariga ay qabsadeen garoonkii diyaaradaha oo ay diideen in dhaawacyadii laga soo daad guriyeeyo magaalada gurmadna loo fidiyo, dhankale maamulka Koofur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaan lagu sameeyo ciidankii falkaasi ka dambeeyo lana geeyo Maxkamad, middaasna la iskala xisaabtami doono, iyaga oo baaq u diray Xeer ilaainta Soomaaliya iyo Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida.

“Wareerkaas  lagu qaaday Madaxtooyada koofur Galbeed ee Baraawe ayaa ka dhigan iyada oo weerar lagu qaaday Madaxweyhana Koofur Galbeed ‘ayaa lagu yiri bayaanka Koofur Galbeed

Si kastaba hadalkaan ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed ayaa soo beegmaya iyada oo shalay ilaa xalay magaalada Baraawe ay ku dagaalamayeen Ciidanka Daraawiishta maamulkaas oo dhawaan la keenay magaalada, iyo kuwa Milatariga Soomaaliya oo horay halkaasi ugu sugnaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed