Kiiska Sayid Cali oo maanta ka socda Maxkamadda Sare ee dalka

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa maanta aqbashay dhageysiga Cabashada ay u gudbiyeen qareennada difaacaya Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay loogu xukumay dil, taasi oo ah in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis Maxamed dabayaaqadkii Janaayo 2024.

Sayid Cali oo ka baxsaday Magaalada Muqdisho ayaa lixdii bishii Febaraayo waxaa soo qabtay ciidanka Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku haya ilaa haatan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday Sayid Cali Macallin Daa’uud 6-dii Maarso ka dib dhageysi labo jeer ay qaaday iyo dood isugu jirtay eedeyn iyo difaac dhexmartay Xafiiska Xeer ilaalinta & Qareennadiisa.

Racfaan ayuu u qaatay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, sidoo kale soo bandhigista caddeymaha xeer ilaalinta iyo soo gudbinta qareennada Sayid Cali waxyaabaha ay uga bariyeelayaan kiiskaan, balse waxa ay Maxkamaddu ku ridday dil 15kii May 2024.

Isha ku haay halkaan!

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed