Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidamada deegaanka iyo xubno Alshabaab ah Shabeellaha dhexe

War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Meel u dhaw deegaanka Labo-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay jidgal ku sameeyeen Ciidamada deegaanka ee Macawiisley xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, waxaana dagaal kooban oo dhexmaray uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan dhagarqabayaashii ay jidka ay u galeen, waxayna ka soo furteen qoryihii ay wateen.

Sidoo kale, DFS ayaa dagaalka iyo Howlgal ka sii horeeyey ku carrabowday inay u dhaceen sidii loo qorsheeyey, iyada oo tilmaantay in inay sii kordhayaan tirada xubnaha ka dhintay sida hadalka loo dhigay kooxda ee dagaalka lagu dilay.

Deegaanka Laba-Garas oo howlgallo kala duwan ay ka dhaceen 72-kii saac la soo dhaafay ayaa la sheegay in khasaare dhinac badan ah loogu geystay Alshabaab oo fariisimo ku lahaa, inkasta oo shalay ay Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka gudaha u galeen.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed