Kenya oo booska Midowga Afrika ku cariirineysa Somaliya iyo Jabuuti

Kenya ayaa si rasmi ah u gudbisay magacaabista Raila Odinga, hogaamiyaha mucaaradka, si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) oo lagu wado inay dhacdo Bisha Febraayo ee 2025 oo bilo yar ka harsanyihiin.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’Oei ayaa sheegay in uu codsiga Odinga u gudbiyay madaxa gobolka Bari Dharmraj Busgeeth, oo sidoo kale ah safiirka Mauritius.

Kursiga guddoomiyaha AUC ayaa lagu wadaa inuu bannaanaado bisha Febraayo 2025 maadaama hadda uu ku sugan yahay Moussa Faki oo u dhashay dalka Chad
Faki ayaa markii ugu horreysay la magacaabay 2017 wuxuuna ku guuleystay mar labaad 2021.

Guddoomiyaha AUC waxaa doorta Golaha Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Xukuumadda muddo afar sano ah, oo la cusboonaysiin karo hal mar.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in musharaxnimada Odinga ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo taariikhda galaysa, iyadoo xustay in inkastoo horumarrada laga gaaray qaaradda ilaa hadda ay Afrika weli ka jirto dhibaato dhaqaale, caqabado deegaan, colaado, argagaxiso, iyo khilaaf bulsho oo guud, taasoo ay uga sii dartay siyaasadda juquraafiyeed.

Odinga oo muddo 5 jeer ah ku guul darreystay inuu u tartamo madaxtinimada Kenya, ayaa la filayaa inuu xilkaas kula tartamo saddex musharax oo ka socda ururka Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Yuusuf, Fowsiya Yuusuf oo sooomaaliya u tartamaeysa. iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Seychelles Vincent Meriton.

Fowsiya Yuusuuf  oo u hanqal taageysay kursigaan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay in booskeeda looga dhacay sida hadalka ay u dhigtay Sarkaal ka socda Jabuuti. Dowladdu kama jawaabin eeda kaga timid Fowsiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed