Dowladda Soomaaliya ayaa markale ku soo bandhigtay Raas-kambooni Ciidamo la sheegay in ay ka soo tageen Jubbaland oo ku soo biiray ciidamada qaranka ee deegaanka dhawaan la geeyey.
Ciidamada oo la sheegay inka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa qeyb ka noqonaya howlgalka Alshabaab looga xoraynayo deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.
Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Qalabka Sida ee dhawaan gaaray degaankaasi ay la wareegi doonaan fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyaga oo dhanka kale sii wadi doona sida tilmaamay howlgalka dalka looga xoraynayo Alshabaab.
Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee XDS G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadlay ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland ayaa kula dardaarmay in si buuxda ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
HBN ONLINE TV