Jubbaland oo jawaab ka bixisay in hub Itoobiya siisay la keenay Kismaayo

Maamul Jubaland ayaa ka jawaabay bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in magaalada Kismaayo ay ka dageen laba diyaaradood oo siday hub, sida oo kalena ay halkaasi ka qaadeen dad ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan Jubaland.

Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan ‘Dhuumaal’ oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa beeniyay inay jiraan diyaarado sida hub oo ka soo dagay magaalada Kismaayo.

“Arrintaas wax sal iyo raad leh ma ahan, garoonka Kismaayo waa mid caalami ah oo duulimaadyo caalami ah ka soo dagaan wax qorsoomayana ma ahan, marka waxaan rabnaa in arrintu noqoto wax cad oo la taaban karo oo macluumaad laga hayo, laakiin diyaarado ayaa Kismaayo ka dagay wax lagu qanci karo ma ahan, hadii ay cadaymo hayaana ha keenaan,” ayuu yiri wasiirka amniga.

Sida oo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Jubaland uu Itoobiya u safray, balse uusan gara karin sida uu tilmaamay halka uu u maray, isaga oo hadalka dowladda ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay weerar ay ku qaadayso Jubaland.

“Maxamuud Sayid Aadan waxa uu joogaa Addis Ababa, laakiin aniga meel uu u maray ma aqaan, Jubaland waa maamul ka tirsan Soomaaliya hadii dowladda ay ka go’antahay Jubaland inay la dirirto, Jubaland waa ay is difaacaysaa,” waxa uu intaa ku daray in hadalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in magaalada Kismaayo ay Itoobiya ay dajisay labada diyaaradood hub siday iyo halka ay ka qaaday sida ay tilmaantay dad gudaha dalkeeda ay ka soo abaabuli doonto si loogu wax yeeleeyo sida ay hadalka u dhigtay nabada iyo amniga Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed