Jubbaland oo hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd Dowladda dhexe iyada oo ka tigtay ATMIS loo isticmaalo si khaldan

War ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in la hakiyey xiriirka wada shaqeyneyd ee kala dhexeeyey dowladda dhexe, ilaa inta ay ka ixtiraamayso sida hadalka loo dhigay rabitaanka shacabka Jubaland.

Jubbaland oo sheegtay in iyada oo ilaalineysa nidaamka dowlnimada, ku dhaqanka dasturka iyo shuruudda dalka ay cadaynayso in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay la lahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogansamayso Dastuurka dalka.

Maamulka ayaa carrabaabay in ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dawladnimada, ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruuda dalka, ayna ku muujisayso doodeeda fagaarayaasha la iskugu yimaado, iyada oo qadarinaysa rabitaanka shacabweynaha Jubaland.

Waxaa ay ku eedeysay Dowladda Federaalka in ay hormuud u noqotay sida warka loo yiri “hagardaamada himilooyinka shacaba Jubaland iyo Khalkhal galinta joogtada ah ee amniga Jubaland”.

Sida oo kale waxaa warka lagu sheegay in ay ku kacday DFS Hagardaameynta dadaalada lagu la dagaaalamayo Alshabaab ee looga sifeynayo deegaannada Jubaland.

Dowladda Federaalku waxey si weyn u xagal daacisey hawlagalka wajigiisa labaad ee ay Jubaland bilowday, iyadoo xakameyn wayday ciidamadii ka soo baxay aagaga dagaaalka kana shaqaynaysey sidii ay u kala furfuri lahayd qaybaha kala duwan ee cidamada Jubaland iyo kuwa DS” ayaa lagu yiri warka.

Maamulka ayaa ku dooday in laga hor istaagtay in ay Jubaland qabsato doorashooyinkeeda sida hadalka loo dhiagy ay u madax banaantahay, iyada oo tilmaantay in DFS mawqifkeeda uu dalka galinayo firaaq dasturi ah, lagana shaqeeynayo in Hay’adaha Dowladaha Xubnaha DFS ay noqdaan kuwo aan sharciyad haysan, kuna joogaan awood ku darsasho aan sharciga waafaqsaneyn.

Jubaland ayaa ka digtay in la siyaasadeeyo sida hadalka loo dhigay si khaldana loo isticmaalo CXDS iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee ATMIS, iyada oo sharciyadoodu ay tahay ladagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo sugida amaanka arimaha dawladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed