Dowladda Dalka jabuuti ayaa sheegtay in ay Itoobiya siineyso Deked u dhaw dhanka Xadka dalkaas una jirta fogaan dhan wax ka yar 100 Kiilomitir si hoos loogu dhigo xiisadda ka aloosan Geeska Afrika.
Hadaba, waxaa su’aal ka timid dekadda ay Jabuurti ku wareejineyso dalka, Itoobiya, taasi oo ah miyey Addis Ababa dekaddaasi u isticmaali doontaa dhanka Ciidamada?
Wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo fasiraad ka bixinayey markale dekadda ay siinayan Itoobiya ayaa sheegay in ay wax ka dhoofsa karto, ugana soo dagi karaan Itoobiya, hadiii ay ka tanaasusho mida muranta adagi ka dhashay ee Soomaaliya.
Wasiir Maxamuud oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa mar wax laga waydiieyey Dekadda ay Itoobiyo ka kiraynayaan in ay u isticmaali karaan iyo in kale saldhig ciidan, ayaa meesha ka saaray in aan loo isticmaali doonin wax arin ciidan la xariirta, balse ay noqon doonto oo kaliya mid wax soo saarkooda iyo ganacsigooda uun ku koobnaa doona.
Hadalkan ka soo yeeray Jabuuti ayaa u muuqda in uu meesha ka saari doono doodii Itoobiya ee aheyd in ay u baahanyihiin helitaan bad, taasi ay ku sheegeen mid baahi wayn ay u qabaan.
Jabuuti ayaa horay ugu baaqday Soomaaliya iyo Itoobiya in la isku dhowro derisnimada, isla markaana dhankooda diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa si xiisadda loo dejiyo.
Soomaaliya ayaa diiday in wax wadahadal ah la yeelato Itoobiya, ilaa ay meesha ka saareyso heshiiska horaantii sanadkan Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaasi oo abuuray khilaaf sababay in kala fogaanshiyaha labada muddo sagaal bil ah.
HBN ONLINE TV

