Jabhadda ONLF oo bayaan ka soo saartay dad ay ku tilmaantay in qadiyadoodii dhaqaale ku bedesheen

Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa bayaan ka soo saartay dad siyaaba kala duwan ugu hadlay magacooda waxaana ay sheegtay in ay ka been abuurteen, iyada oo hoga tusaaleysay in masiirkooda ay ka go’do iyada iyo taageerayaashooda.

Jabhadan lagu naaneyso JWXO ayaa sheegtay in aysana matali karin waa sida hadalka ay u dhigtay dad caada qaatayaal ah oo dhuuni ka doortay ururkooda, halka ay tilmaameen in cid Itoobiyaan ah aysan wax talo iyo tusaale ah ku laheyn ONLF.

“ONLF masuuliyiintooda iyagaa doorta, kuwa marna Soomaali ma nihin laga yeersiinayo marna ku hadaaqaya ONLF baan shir u qabanaynaa ha ogaadaan JWXO in ay taqaano sida noocaas oo kale loola dhaqmo” ayaa lagu yiri bayaankooda.

ONLF ayaa sidoo kale bayaanka ku tiri “sharciyadda JWXO kuma xirno Itoobiya iyo wax ay soo malmaluuqday”, waxaana ONLF ay tilamaantay in “xiliigay doonto iyo nooca ay doonto” ay farteeda ugu qori doonto arrimaheeda.

Jabhadda Xoreynta Soomali Galbeed ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday in aysan dhageysan waa sida hadalka ay u dhigtayee dadka ka doortay qadiyadoodii shilimaad, iyada oo ku soo gunaanaday bayaankooda “Xisaabtan dhab ah ha lagu talo galo ee guusha gobannimodoonkaa leh”.

Dhawaan Jabhadda ayaa Itoobiya ka dalbaday in ay si waafi ah uga jawaabto qadaf ay tilmaameen in uu kula kacay Taliyaha ciidamada Itoobiya oo ay ku eedeeyeen in uu u gafay ururka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed