Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyey dib u habaynta lagu wado howgalka Midowga Afrika ee ATMIS-ka kadib, markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in laga saaro Ciidamada Itoobiya howgalka oo qorshuhu yahay in uu bilowdo bisha Janaayo ee sannadka soo socda.
Taye Atske-Selassie wasiirka arimaha Dibadda Xukuumadda Addis Ababa ayaa ka dhawaajiyay walaac ku saabsan “qaabaynta ATMIS” ka dib kulan uu la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Mike Hammer, iyaga oo dooda lagu macneeyey in ay ku saabsanayd nabadda iyo amniga gobolka.
Itoobiya ayaa kulankaasi gaarka ah la soo wariyey in ay soo bandhigtay ka go’an tahay sida hadalka loo dhiay “dejinta xiisadaha” ka aloonsan gobolka. Wasiirka arimaha Dibadda Itoobiya ayaa sida oo kale ku booriyay Mareykanka in ay dib u soo celiyaan maqaamkii kaalintii Itoobiya ee howlgalka.
Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ayaa carabka ku adkeeyay in xadgudubyada Itoobiya ay caqabad ku yihiin, isaga oo yiri, “Ilaa inta xadgudubyada ay sii socdaan, dib u noqoshada ma dhici doonto”.
Itoobiya ayaa bilowday todobaadyadii ugu dambeyey in ay kumanaan ciidamo millitari ah oo gaashaaman ku daabusho dhulka Gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida ku teedsan ee Gobolka Hiiraan.
Asbuucyada soo socda ayaa markale la filayaa in ay ka bilowdaan wada hadalada wajiga 3-aad ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga, kuwaa oo xukuumadda Ankara ay garwadeen ka tahay, halka Muqdisho ay shuruud ku xirtay kulanka, taasi oo ah ka laabashada heshiiska ay Addis Ababa kula gashay Soomaaliland.
HBN ONLINE TV