Itoobiya oo Muqdisho ka wada xodxodasha Soomaaliya ee ka mid noqoshada howgalka AUSSOM

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga ee dalkaasi ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in ujeedada socdaalka ay la xiriirto ciidamada Itoobiya iyo ku biiritaankooda Howlgalka Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasi oo shalay ka bilowday Soomaaliya.

Wararka ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay “ka fiirsaneyso” ansixinta ku dhawaad 2,000 ilaa 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

Haddii ay Muqdisho ogolaato soo jeedintan, waxay buri doontaa hadaladii ay horay u sheegeen madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo si joogta ah ugu nuuxnuuxsaday in ciidamada Itoobiya aysan sii joogi doonin Soomaaliya ama aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika wixii ka dambeeya 2024-ka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed