Itoobiya oo ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadayso haddii ay sii socdaan ficillada ka imaanaya Soomaaliya.

Itoobiya oo ka careysan hadalada lagu durayo ee kaga imaanaya madaxda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jawaab adag ka bixi doonto sida ay hadalka u dhigtay ficillada hoggaanka Soomaaliya ka imaanaya.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula ayaa dowladdiisa ka bari yeelay eedeymaha ah in ay hubeeyaan qabaa’ilada iyo maamulada Soomaliya iyo in hub ay u soo diraan, inkastoo si madaxbannaan loo xaqiijiyay hub Itoobiya ka yimid oo soo galay Galmudug, Puntland & Koonfur Galbeed.

Jula ayaa si cad u tilmaaamay in waa sida hadalka uu dhigaye “faragalinta iyo waanu weeraraynaa haddii laga deyn waayo Itoobiya in markaas ay qaadi doonto” talaabooyin uusan sheegin nuuca ay yihiin, balse laga dheehan karay kuwa guluf colaad u muuqda.
“Hub uma dirno Soomaliya, haddiise aan dirno wax lala yaabo ma noqoteen” ayuu ku dooday taliyaha ciidamada Itoobiya.

6-dii bishaan Octobar ayuu sheegay Birhanu Jula in Dowladda Soomaaliya ciidamadeeda qaranku waa sida hadalka uu u yiriye aysan awood u laheyn maamulida magaalada Muqdisho, iskaba daaye in ay la dagaalaane Itoobiya.

Hadalka taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa ku soo aadaya iyada oo wasiirka arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi uu sheegay in kulamo gaar-gaarka ah uu la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibedda Masar iyo Eritrea oo ay kawada hadleen xadgudubka gurracan ee Itoobiya ku sameysay Dalkeenna, ayna qireen.

Inkastoo Itoobiya ay ku goodinayso inay tilaabo ka qaadayso haddana xeeldheerayaasha gobolka ayaa aaminsan in taasi ay noqon karto mid adag maadaama xilligan Itoobiya gudaheeda ay ka socdaan dagaalo qabaa’il sida gobolka Oromada, Amxaarada & Tigreega oo wali aan ka soo kabsan colaad muddo ka socotay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed