Israa’iil oo lagu eedeeyay inay burburisay 79% masaajidyadii Marinka Gaza.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Marinka Gaza ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidammada Israa’iil ay burburiyeen 79% masaajidyada ku yiil Gaza & 3 Kaniisado intii ay wadeen dagaalka lagu sifeeyay xasuuqa iyadoo sidoo kale la soo qufay ilaa 19 xabaalood.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Ciidanka Israa’iil waxay burburiyeen 814 masaajid oo ka mid ah 1245 masaajid oo ku yaalay Gaza, taasi oo ka macno ah 79% tirada guud ee Masaajidyada”.

Waxay intaas ku dartay: “Kharashka khasaaraha iyo burburka soo gaaray xarumahaasi lagu qiyaasayso ilaa 350 milyan oo doolar.”

Wasaaradda ayaa tiri “Intii lagu jiray dagaalkii dabar-goynta, ciidanka waxay soo saareen qabuuraha, waxayna xadeen kumaan kun oo meyd ah oo dhintay, waxayna googooyeen jirkooda ka dib markii ay u dileen siyaabo arxan darro ah.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dileen 238 ka mid ah shaqaalahooda, islamarkaana ay xireen 19 kale intii ay ku guda jireen howlgallada dhulka ah ee ay ka sameeyeen Marinka.

Wasaaradu waxay cambeeraysay falalka ka dhanka ah goobaha cibaadada ee Marinka Gaza, waxayna ugu baaqday dalalka caalamka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’adaha Islaamka inay si degdeg ah u soo farageliyaan oo ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed