Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida

Tuulada Waydkaal oo ka tirsan degmada Baaray ee gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dad rayid ah ay ku naf waayeen muran ka dhashay magdhow. Sida warku sheegayo colaaddan oo khasaare badan geysatay ayaa ka dhalatay muran soo kala dhex galay laba qoys oo isku deegaan ah, kaas oo ku saabsanaa mag-dhow uu ka helay wiil uu shil baabuur ku dhintay.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay markii qoys ka mid ah uu soo jeediyay in la bixiyo lacag u dhiganta 44 neef oo geel ah, halka reerkii kalena ay dalbadeen wax aan ka yarayn 100 neef. Iyadoo la isku dayey in lagu dhex dhexaadiyo khilaafka ayaa waxaa soo dhexgalay maamulka degmada Baarey oo shir ay ku yeesheen tuulada Waydkaal ku heshiisiinayeen labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, intii uu socday waanwaanta ayaa xiisad ka dhalatay, taasoo keentay in hoolka shirka uu ka dhaco gacan ka hadal. Inkastoo ciidamada ammaanka ay ku dadaalayeen xaqiijinta ammaanka, ayaa hadana waxaa halkaasi ka dhacay iska horimaad dhexmaray dhalinyaro careysan iyo ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Rabshadahaas ayaa sababay in rasaas xooggan ay ku dhinteen 5 qof oo isugu jira rag iyo dumar.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo cambaareyn baahsan ku abuurtay dadka deegaanka, gaar ahaan shaqaaqooyinkii ka dhashay dib u heshiisiinta. Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda deegaanka Soomaalida in ay tallaabo cad ka qaado dadkii amray ama ka qeyb qaatay dilka dadka rayidka ah.

Si looga jawaabo dhacdadan, ayaa saraakiisha dowladda waxay balan qaadeen inay sameyn doonaan baaritaano dhab ah oo lagu ogaanayo xaaladihii sababay dhimashada iyo dhaawaca, iyo sidii loo ogaan lahaa cidda ka dambeysay. Waxa ay shacabka u xaqiijiyeen in shaqsiyaadka lagu helo in ay ku lug leeyihiin rabshadaha la horgeyn doono sharciga, lagulana xisaabtami doono waxa ay geysteen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed