Iska hor imaad khasaare dhaliyey oo ciidamada Puntland kooxa hubeysan kula galeen Sanaag

Wararka ka imaanaya Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaas dagaal ku dhexmaray Ciidamo katirsan Puntland iyo Rag hubeysan oo deegaankaas ku sugan.

Dagaalka ayaa salka ku haya hab maamulka Gobolka Sanaag maadaama Ragga hubeysan ee la dagaalamay Ciidamada ammaanka Puntland ay ku doodeen in ay dhisteen Maamul lagu magacaabo Maakhir isagana uu halkaas ka taliyo.

Wafdi ka socday Puntland oo kormeer indha indheyn ah ku marayay deegaanno kala duwan oo Sanaag ka tirsan ayaa waxaa ay isku dhaceen Ragga hubeysan ee sheeganaya in Maamul ka madaxbannaan Dowlad-Goboleedkaas ay yihiin, ayna maamulaan iyagu sida ilo deegaanka ah aan ka soo xiganeyno.

Warbaahinta gudaha Puntland ayaa soo tabisay in laba ruux oo dhinacyada ah ay ku dhaawacmeen, waxaana socda dedaallo kala duwan oo lagu raadinayo sidii xal loogu heli lahaa xiisaddaan si aanay u gaarin deegaannada kale ee Gobolkaasi ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed