IMO oo Puntland ka qaaday ku dhawaad 60 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo dib loogu celiyay dalkooda

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari  masaafurisay 56 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo aan haysan sharciyo, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen inay si tahriib ah uga gudbaan Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay IOM, dadka dib loogu celiyay Itoobiya waxaa ku jiray 10 carruur ah oo aan waalidkood ama cid daryeesha la socon. Hay’addu waxay sheegtay in dib u celinta loo fuliyay si ammaan ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo tahriibka iyo khataraha naf-haligidda ah ee la xiriira socdaallada sharci darrada ah.

“Waxaan si nabadgelyo leh ugu suurtagelinay inaan Itoobiya dib ugu celinno 56 muwaadin oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan 10 carruur ah oo aan waalidkood la socon. Tani waa qayb ka mid ah dadaallada lagu xakameynayo tahriibka iyo ilaalinta dadka nugul,” ayaa lagu yiri bayaanka IOM.

Hay’addu waxay xustay in dadkaasi ay tageen magaalada xeebta ah ee Boosaaso iyagoo doonayay inay halkaas uga sii gudbaan dalal kale, hase yeeshee socdaalka noocaas ah uu khatar weyn ku yahay noloshooda.

IOM, oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo caalami ah, ayaa si joogto ah u fulisa barnaamijyo dib loogu celinayo muhaajiriinta iyo dadka tahriibka ku lugta leh.

Sidoo kale, hay’addu waxay hore Soomaaliya ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo tahriib ugu maqnaa dalal kala duwan, halka ay sidoo kale dib ugu celiso muwaadiniinta ajaanibta ah ee si sharci darro ah uga sii tahriibaya dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed