In ka badan laba kun oo arday oo ku dhacday imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladdda Hoose ee Xamar ayaa maanta soo bandhigay natiijada Imtixaankii Fasalka 8-aad (Dugsiga Dhexe) ay galeen Ardayda ku sugan Gobolka Banaadir oo tiradoodu gaareysay 32,689 Arday.

Natiijada lasoo gudbiyay waxaa lagu sheegay in 2,103 Arday ay ku dhaceen Imtixaankaas kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho sida lagu sheegay warka kasoo baxay Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar.

Ardayda gudubtay ama baastay oo dhan 30,586 Arday ayaa fursad u heli doonna in ay sii wataan Waxbarashada Dugsiga Sare, waxaana galka Arday weliba loo gacangeliyay Iskuulkii uu wax kusoo bartay si loo diiwaangeliyo kuwa guuleystay & kuwa guuldareystay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sanadihii dambe waxa uu si gaar ah u qaadayay Imtixaanka Dugsiga Dhexe (Fasalka 8aad), Ardayda ku dhacday ayaa sanadka xiga fursad waxa ay u helayaan in markale ay galaan Imtixaan kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed