Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Alshabaab ah oo gaaraya 27 xubnood lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa sida la carrabaabay mid bartilmaameed ah ayaa sida hadalka loo dhigay lagu afjaray maleeshiyaad Alshabaab ah. Kuwaa oo isku aruuriyay deegaanno kala duwan, isla markaana loo diyaarinayay in ay sida la yiri “dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed”.
NISA oo sheegay in Howlgalka uu qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale ku sheegtay in lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo kooxdu ay wateen, waxaana ay ku faantay in uu ku soo dhammaaday guul.
HBN ONLINE TV

