Warbixin ay soo saartay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa lagu ammaanay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay dib u habeynta maaliyadda kaddib shir socday muddo labo toddobaad ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF.
Warbixintu waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii wadida dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo xustay dedaallo xooggan oo fulineed oo ay dawladdu samaysay kuwaas oo keenay kobac dhaqaale, iyadoo wax-soo-saarka GDP la filayo in uu kordho 3.7 boqolkiiba sannadka 2023, marka la barbardhigo 2.8 boqolkiiba.
Horumarka la taaban karo ee lagu muujiyey warbixinta ayaa ah sare u kaca la filayo ee maalgashiga tooska ah ee shisheeye, taas oo loo aaneynayo deyn cafinta Soomaaliya oo dhan $4.5 bilyan, isla markaana oo loogu talagalay in lagu taageero dadaallada deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.
Iyadoo ay jiraan horumarradaas wanaagsan, IMF waxa ay carrabka ku dhufatay caqabadaha dhaqaale ee u baahan in la xalliyo, iyada oo hoosta ka xariiqday taageerada muhiimka ah ee saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Natiijooyinka Warbixinta Maaliyadeed ee IMF waxay salka ku hayaan dib-u-eegis ballaaran oo lagu sameeyay hannaanka Maamulka Maaliyadda Dowladda saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
HBN NEWS DESK